Man United Oo Qaaday Talaabo Ay Uga Taqalusayso David Dea Gea, Maxaa Cusub.

Kooxda Man United ayaa lagu soo waramayaa in ay Goolhaye David de Gea u soo bandhigtay kooxaha waaweyn ee reer yurub sida ay sheegayaan wararku.

Goolhayaha reer Spain ayaa bilihii ugu dambeeyay lala xidhiidhinayay in uu isaga tagayo kooxda Man United suuqa xagaaga dhamaadka xilli ciyaareedkan.

De Gea ayaa u muuqda mid booskiisa 1-aad u waayay Dean Henderson inkasta oo uu Ole Gunnar Solskjaer sheegay in uu fursad siin doono Labada Goolhaye inta ka dhiman xilli ciyaareedkan.

Wargayska Daily Mail ayaa sheegaya in uu Goolhayaha 30 jirka ah ku jiro bilihii ugu dambeeyay ee kooxda Man United maadama ay kooxdu biloday raadinta kooxo doonaya saxiixiisa

Isla wargayska ayaa sheeaya in ay Man United Saxiixa Goolhaye David de Gea u soo bandhigtay kooxo waaweyn oo ay ka mid yihiin Juventus, PSG iyo waliba Real Madrid.

Sii Akhriso: Muhiim U Ah Gabadh Walba: 5 Arin Oo Uu Gacaliyahaagu Kaaga Baahanyahay Hadii Aad Doonaysid In Uu Ku Jeclaado.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*