Man United Oo Paul Pogba U Qabatay Wakhti Uu Go’aan Uga Gaadho Mustaqbalkiisa

Kooxda Man United ayaa lagu soo waramayaa in ay xiddiga khadka dhexe ee Paul Pogba u sheegtay in uu go’aan kaga gaadho mustaqbalkiisa ka hor inta aan la gaadhin ciida gaalada.

Xiddiga koobka adduunka ku guulaystay ayaan wali mustaqbalkiisa u hibayn kooxda Man United iyada oo heshiiskiisa kooxdu dhici doono dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Waxa la fahamsanyahay in uu xiddigu xiiso ka helayo kooxaha Real Madrid iyo PSG kuwaas oo doonaya saxiixiisa waliba in ay ku helaan qaab xor ah ku helaan.

Sida laga soo xigtay The Sun, Red Devils ayaa xiddiga u sheegtay in uu meel saaro mustaqbalkiisa ka hor bilaabashada sanadka cusub waliba go’aamiyo in uu kooxda sii joogi doono heshiis cusub-na u saxiixi doono kooxda ama in uu dhamaysan doono heshiiskiisa.

Wararka ayaa sheegaya in uu xiddigii hore ee kooxda Juventus doonayso in uu mushhar ahaan todobaadkii u helo lacag dhan 400 kun oo Gini todobaadkii si uu heshiis cusub ugu saxiixo.

Sii Akhriso: Sifooyinka Lagu Garto Dumarka Halista Ah Ee Lacagta Jecel Laakiin Iska Dhigaya Kuwo Ku Jecel, Ninow Ka Fogow Waa Dhiig Miirato

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*