Man United Oo Loogu Baaqay In Ay Soo Celiyaan Jose Mourinho, Sabab.

Nicky Butt ayaa aaminsan in José Mourinho uu weli leeyahay awood uu ku hoggaamiyo Manchester United, inkastoo uu si qalafsan ku dhamaystay waayihiisii hore ee kooxda.

Halyeeyga Red Devils wuxuu sheegay inuu soo dhoweyn lahaa in tababaraha reer Portugal uu mar kale ku soo laabto Old Trafford, isaga oo tilmaamay rikoodhkiisa guulaha koobabka.

Mourinho wuxuu United ku hoggaamiyay guulo ay ka mid yihiin UEFA Europa League iyo EFL Cup intii u dhaxaysay 2016 ilaa 2018, ka hor inta uusan Uga tagin kooxda si muran leh.

“Waa nin guuleysta, wuxuuna qaadi karaa culayska kooxdaas, laakiin maamulka sare marnaba ma oggolaan doonaan, sababtoo ah hadda waxay doorbidaan tababare diiradda saaraya tababarka kaliya halkii uu ka maamuli lahaa iibka ciyaartoyda,” ayuu u sheegay Paddy Power.

“Tababare sumcad leh ma doonayo inuu yimaado Manchester United haddii aan la siin dammaanad ku saabsan miisaaniyadda, waqtiga, iyo awoodda go’aannada. Qaab-dhismeedka hadda jira wuxuu ka dhigayaa mid adag, waxaana laga yaabaa inay doorbidaan qof sida Michael Carrick.”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga