Man United Oo Looga Horeeyo Tartanka Raphael Varane, Koox Premier League Ah Ayaa Kaga Horaysa.

Kooxda chelsea ayaa lagu soo waramayaa in ay Man United kaga horayso baacsiga loogu jiro saxiixa xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda Real Madrid ee Raphael Varane sida ay sheegayaan wararku.

Xiddiga 28 jirka ah ayaa muhiim u ah kooxda Los Blancos laakiin heshiiskiisa Kooxda ayaa dhici doona xagaaga dhamaadka xilli ciyaareedka dambe taas oo keentay in uu shaki galo mustaqbalkiisa.

Man United ayaa la sheeayaa in ay xiisaynayso saxiixa xiddiga koobka adduunka iyaga oo doonaya saxiixa xiddiga suuqa xagaaga iyada oo uu daafacu doonayo in uu u dhaqaaqo horyaalka premier League.

Wargayska Mundo Deportivo ayaa sheegaya in Kooxda Ole Gunnar Solskjaer doonayso saxiixa xiddiga daafaca dhexe laakiin ay ka dambayso kooxda chelsea.

Isla wargayska ayaa sheegaya in ay chelsea diyaarinayso dalab lacageed oo dhan 70 milyan oo euro si ay u hesho saxiixa daafaca dhexe ee reer france marka uu furmo suuqa xagaaga.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: Ninow 4-tan Arin Ha U Sheegin Gabadha Hadii Aad Si Dhab Ah U Jeceshahay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*