Man United Oo Loo Sheegay Xiddig Arsenal U Ciyaara Oo Ay Ahayd In Ay La Soo Saxiixato Maalintii Ugu Dambaysay Suuqa Xagaaga.

Halyeeyga kooxda Arsenal ee Paul Merson ayaa Man United u sheegay in ay ahayd in ay Red Devils la soo saxiixato xiddiga Thomas Partey maalintii ugu dambaysay suuqa kala iibsiga xagaaga.

Red Devils ayaa soo qaadatay suuq aan fiicnayn marka loo bar-bar dhigo kooxaha kale iyaga oo wakhtiga isaga lumiyay Jadon Sancho.

Laakiin United ayaa la soo saxiixatay xiddigaha Donny Van de Beek,Edinson Cavani, Alex Telles iyo xiddigaha da’yarka ah ee Facundo Pellestri iyo Amad Diallo.

Laakiin Merson ayaa Man United u sheegay in ay United Ahayd in ay Arsenal ka afuudabato xiddiga Partey maalintii ugu dambaysay suuqii xagaaga.

“Waan garanaya meesha ay Arsenal u socoto, Mikel Arteta waxa uu hayaa shaqo fiican Partey-na waa saxiix cajiib ah”.

“Ma garanayo sababtii ay Man United ugu dhaqaaqi wayday saxiixa Partey, waa mid ka fiican xiddigaha ay haystaan”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*