Man United Oo Loo Sheegay Waxa Ay U Baahanyihiin Si Ay Ugu Guulaystaan Horyaalka premier League.

Khabiirka kubada cagta ee Sam Homewood ayaa sheegay in ay kooxda Man United u baahantahay in ay ay sii wado waxa ay haatan wado si ay ugu jirto tartanka horyaalka premier League xilli ciyaareedkan.

Red Devils ayaa u tartamaysa horyaalka premier League kadib markii ay 41 dhibcood ka heshay 21 kulan oo ay ciyaartay premier League.

Si kasta ahaatee Guuldaro lama filaan ah oo ay kala kulantay kooxda Sheffield United iyo bar-barihii ay la gashay Arsenal ayaa la macno ah in ay United 3 dhibcood ka dambayso Man City.

Laakiin Homewood aya aaminsan in ay Man United dib ugu soo laaban doonto guulaha horyaalka premier League.

“Waxan u malaynayaa in ay u baahanyihiin in ay sii wadaan waxa ay haatan wadaan”ayuu Homewood yidhi.

“Xaqiiqada ayaa ah in guuldaradii Man United ay ahayd guuldaro lama filan ah ayaa muujinaysa waxa ay dadku ka filayaan Man United xilli ciyaareedkan”.

“Laakiin waxa ay u baahanyihiin in ay helaan natiijooyin iyo sida ay u ciyaarayaan hadii ay doonayaan in ay ku guulaystaan horyaalka”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*