Man United Oo Loo Sheegay Nooca Weeraryahanka Ay U Baahantahay Si Ay Ugu Tartamaan Horyaalka.

Manchester United ayaa u baahan weeraryahan heer caalami ah si ay ugu tartamaan horyaalka Premier League.

Taas ayaa ah Aragtida tababarihii hore ee Red Devils Rene Meulensteen, kaasoo sanado ka soo shaqeeyay caawiyaha tababare Sir Alex Ferguson.

Man United ayaan haysan weeraryahan toos ah tan ilaa markii uu Odion amaahda ugu soo biiray kooxda Suuqii January kadib markii ay Romelu Lukaku iyo Sanchez ka tageen kooxda.

Anthony Martial ayaa inta badan ka ciyaara weerarka tooska ah xilli ciyaareedkan halka uu kulamada qaar Marcus Rashford buuxiyay booskaas.

Laakiin Meulensteen ayaa qaba in United ay ubaahan tahay inay lacag ku qarash gareyso weeraryahan dhab ah, Robert Lewandowski ama Harry Kane si ay ugu tartamaan horyaalka premier League.

“United waxay ubaahantahay inay bilawdo u tartamida Premier League, laakiin taasi waa su’aal weyn,” ayuu usheegay talkSPORT.

“Waxaan weli qabaa inay ubaahan yihiin in ay iska xoojiyaan daafaca dhexe iyo waliba khadka dhexe”.

“Wali waxa aan qabaa wakhti xaadirkan Man United in ayna garaaci karin koox ka hor timaada oo weyn”.

“Saddexda xiddig ee weerarku waxa ay u shaqeeyaan si fiican laakiin wali waa xiddigo da’yark ah.

“Sida iska cad Martial waxa uu ka ciyaari karaa weerarka sidoo kale Rashford laakiin waxa ay u baahanyihiin weeraryahan sida Lewandowski ama Kane si ay ugu tartamaan horyaalka”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*