Man United Oo Loo Sheegay Laba Xiddig Oo Buuxin Kara Booska Bruno Fernandes.

Xiddigii hore ee kooxda Man United ee René Meulensteen ayaa magacaabay laba xiddig oo Man United ah kuwaas oo buuxin kara booska Bruno Fernandes hadii uu ka dhaawacmo kooxda.

Tababare Ole Gunnar Solskjaer ayaa rajaynaya in uu Ole Gunnar Solskjaer taam u ahaado ciyaarista kulamada xilli ciyaareedkan marka loo eego in uu yahay xiddiga ugu fiican kooxda.

Man United ayaa aad ugu tiirsan xiddiga Bruno Fernandes hadii tahay gool dhalin iyo waliba bar-baro xilli ay doonayso in ay u tartamaan horyaalka premier League.

René Meulensteen ayaana sheegay in ayna Man United ka maarmin xiddiga reer Portugal laakiin sheegay in ay xiddigaha Paul Pogba iyo Donny Van De Beek buuxin karaan booskiisa.

“Waxan u malaynayaa in ay Man United kaliya rajaynayso in uu Fernandes taam ahaado oo uuna ka dhaawacmin”ayuu Stadium Astro.

“Awoodiisa ayaa ah mid aan la rumaysan karin waana xiddig muhiimm u ah kooxda”.

“Hadii uu ka dhaawacmo ama laga ganaaxo si aad ah ayay u tabi doonaan laakiin waxa jira laba xiddig oo booskiisa buuxin kara waana Pogba iyo Donny Van De Beek inkasta oo ayna lahayn saamaynta uu Bruno leeyahay”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*