Man United Oo Loo Sheegay In Uuna Ole Gunnar Solskjaer Ahayn Tababare Ku Fiican Shaqada Man United.

Xiddiga kooxda Watford ee Troy Deeny ayaa rumaysan in uuna tababare Ole Gunnar Solskjaer ahayn tababare ku fiican shaqada kooxda Man United.

Xiddiga reer England ayaa sidoo kale sheegay wargayska The Sun in uuna Jirin tababare heli doona wakhtiga uu helay tababare Ole Gunnar Solskjaer.

Ole Gunnar Solskjaer ayaa kulankiisii 100-aad hogaamiyay Arsenal klankii Axadii ay United guuldarada 1/0 ah kala kulantay kooxda Arsenal.

Deeney ayaana rumaysan in ay Man United u baahantahay tababare cusub hadii ay doonayso in ay natiijooyin fiican hesho.

Markii la weydiiyay subaxnimadii Isniinta in uu Solskjaer uu yahay ninka ku habboon shaqada Denny ayaa u sheegay talkSPORT” Hadii aad dib u eegto 100-ki kulan ee uu hogaamiyay kooxda waxa aad odhanaysaa, Maya”.

“Uma malaynayo in uu tababare kale heli lahaa wakhtiga uu Ole helay”.

“Waxa uu u muuqdaa qof fiican, anigu isaga ma garanayo, arin shaqsi ahna ma ahan laakiin uma malaynayo in uu dalbado Ixtiraamka xiddigaha kale”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*