Man United Oo Loo Sheegay In Ay Wax Walba U Samayso Saxiixa Xiddig U Ciyaara Liverpool.

Dwight Yorke ayaa ku booriyay Manchester United inay si lama filaan ah ugu dhaqaaqaan daafaca Liverpool Trent Alexander-Arnold.

Xiddiga 25 jirka ah ayaa joogay Liverpool tan ilaa markii uu 6 sano jir ahaa waxana uu kula guulaystay 7 koob intii uu joogay kooxda.

Si kasta ha ahaatee Yorke ayaa rumaysan in ay Man United haysato fursad ay kula saxiixan karto Trent Alexander-Arnold maadama uuna ku soo baxayn qorshaha Tababaraha cusub ee Man United.

“Ma hubo in uu Trent Alexander-Arnold Ka tagi doono Liverpool maadama ay tahay kooxdii yaraantiisa, Laakiin kadib markii uu Klopp ka tagay kooxda Trent Alexander-Arnold ayaa laga yaabaa in uu ka ciyaaro khadka dhexe”ayuu yidhi.

“Tani waxay noqon kartaa fursad kale, haddii Liverpool aysan si fiican u ciyaarin, isla markaas Alexander-Arnold ku faraxsanaan waayo kooxda, Man United waa in ay wax walba u samayso saxiixiisa”.

“Waxaan ahaa qofkii ugu horeeyay ee soo jeediya in Man United ay ahayd in ay la soo wareegto Leroy Sane waxana uu Man City ka dhigay wacdaro”.

“Alexander-Arnold waxaa laga yaabaa inuu helo fursad la mid ah middaas, Man United-na waa in ay ka faa’iidaysato”.

“iska cad, waxaa jirta taariikh u dhaxaysa kooxaha iyo Alexander-Arnold ayaa ogaan doona taas Ingiriisi ahaan, laakiin waxay noqon kartaa fursad aad ku raadiso”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga