Man United Oo Loo Sheegay In Ay Samaysay Khalad Weyn In Ayna La Soo Saxiixan Xiddig U Ciyaara Liverpool.

Halyeeyga Kooxda Arsenal ee Ian Wright ayaa sheegay in ay kooxda Man United khalad Weyn Samaysay markii ayna la soo saxiixan xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Liverpool ee Sadio Mane.

Mane ayaa si weyn loola xidhhiidhinayay Man United ka hor intii uuna Southampton kaga biirin Liverpool sanadkii 2016.

Tan ilaa markii uu Anfield ku biiray Mane ayaa ku guulaystay Premier League, Champions League, Club World Cup isaga oo sidoo kale noqday xiddigaha sida weyn looga cabsado yurub.

Xiddigii hore ee Arsenal oo taageere u ah Xiddiga reer Senegal ayaa sheegay in uu haatan yahay xiddigaha ugu fiican adduunka.

Waxana uu sheegay in ay United ka shalayn doonto in ayna ku guulaysan saxiixiisa 4 sano ka hor.

“Ma xasuusataa markii ay United sida aadka ah u doonaysay saxiixiisa”ayuu Wright yidhi.

“Waxan u malaynayaa in ay la hadleen xitaa Man United ku saxsanayd in ay raadiso saxiixiisa”.

“Waxan dareemayaa in ay United khalad weyn samaysay in ayna la soo saxiixan xiddiga”ayuu sii raaciyay.

“Dhanka kubada kooxdu ma joogin meel ay ku siiyaan falsafad soo jiidata xiddigo Sida Mane oo kale ah”.

“Haatan waxa uu ka mid yahay xiddigaha ugu fiican”.

Sii Akhriso: Aflagaadeynta Nabiga waa aflagaadeynta Muslimiinta oo dhan

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*