Man United Oo Loo Sheegay In Ay Iska Ilowdo Saxiixa Dayot Upamecano.

Weeraryahankii hore ee Chelsea Chris Sutton ayaa rumeysan in Manchester United ay dib uga laaban karto qorshihii ay kula soo saxiixan laheyd daafaca RB Leipzig Dayot Upamecano.

Upamecano ayaa ku dhibtooday kulankii Champions League ee ay kooxda Man United xasuuqday kooxda RB Leipzig ee ka dhacay garoonka Old Trafford.

Sutton ayaa ka sheegay BBC Radio 5 Live: “Upamecano qeybtii labaad ayuu dhibaatooday”.

“Waxaan aqrinayay subaxnimadii maanta in ay United u dhaqaaqayso saxiixa Upamecano”.

“Laakiin hadaad si dhab ah u indha-indhaynaysay qaab ciyaareedkiisa kulankii xalay uma dhaqaaqaysid saxiixiisa”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*