Man United Oo Loo Sheegay 3 Saxiix Oo Ka Caawin Karta In Ay Liverpool Kula Tartanto Premier League.

Kooxda Man United ayaa loo sheegay in ay ku dhawaan doonto ku guulaysiga horyaalka premier League xilli ciyaareedka dambe hadii ay iska xoojiso 3 boos oo muhiim ah marka la gaadho suuqa xagaaga.

Waxa sidaas sheegay Robbie Savage oo aaminsan in ayna Man United aad uga fogayn bilowgii sanadeheeda guulaha.

Kooxda Ole Gunnar Solskjaer ayaa guuldaro la’aan ah 17 kulan tartamada oo dhan tan ilaa bishii Janaury.

Robbie Savage ayaa aaminsan in ay Red Devils awood u leedahay in ay Liverpool kula tartanto horyaalka hadii ay sameeyaan 3 saxiix.

Robbie Savage ayaa Man United u sheegay in ay la soo saxiixdaan xiddigaha Kalidou Koulibaly, Jack Grealish oama James Maddison, & Harry Kane ama Jadon Sancho.

“United waxa ay ku jirtay qaab ciyaareed fiican tan ilaa markii dib loo bilaabay xilli ciyaareedka, hadii ay 3 saxiix oo kale samayso xagaaga waxa ay u tartami doonaan horyaalka xilli ciyaareedka dambe”ayuu Savage yidhi.

“Waxa aan haatan saadaalin karaan in ay sanadka 2021 Man United ku guulaysan doonto horyaalka premier League hadii ay kooxda xoojiyaan”.

“Hadii ay United la soo saxiixato daafaca Napoli ee Kalidou Koulibaly,Jack Grealish ama James Maddison Iyo Haryy Kane Jadon Sancho, United waxa ay u tartami doonaa horyaalka”.

Laacib.net

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*