Man United Oo Liverpool Ka Hor Istaagi Karta Saxiixa Kylian Mbappe & Raphael Varane Oo Sabab Noqon Kara.

Kooxda Liverpool ayaa ku qasbaaan karta in ay isaga hadho baacsiga ay ugu jirto saxiixa xiddiga Kylian Mbappe hadii ay Man United xagaaga la soo saxiixato xiddiga Raphael Varane sida ay sheegayaan wararku.

Daafaca Los Blancos ayaa ku jira 18-kiisii bilood ee ugu dambeeyay ee kooxda Real Madrid waxana uu bartilmaameed u yahay kooxda Man United.

Hadii uu Raphael Varane Diido in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda Real Madrid, Los Blancos ayaa la filayaa in ay iska iibiso xiddiga suuqa xagaaga.

Hadii ay Man United la soo saxiixato xiddiga Raphael Varane suuqa xagaaga wargayska Daily Star ayaa sheegaya in ay Real Madrid lacagtaas ugu dhaqaaqi doonto saxiixa xiddiga kooxda PSG ee Mbappe.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*