Man United Oo Liverpool Ka Caawinaysa Saxiixa Badalka Virgil van Dijk

Kooxda Man United ayaa si lama filaan ah Liverpool uga caawin karta raadinta ay ugu jirto daafac dhexe sida ay sheegayaan wararku.

Kooxda Liverpool ayaa doonaysa saxiixa daafac dhexe kadib markii uu Virgil Van Dijk soo gaadhay dhaawac halis ah oo uu muddo kaga maqnaan doono garoomada.

Liverpool ayaa ilaa haatan ka kabsatay maqnaanshaha Van Dijk kaas oo ka maqan 3-dii kulan ee ay ciyaartay tartamada oo dhan.

Daafaca kooxda RB Leipzig ee Dayot Upamecano ayaa ka mid ah xiddigaha lala xidhiidhinayo kooxda Liverpool.

Xiddiga Dayot Upamecano ayaa la sheegayaa in lagu heli karo kaliya 36 milyan oo euro Man United ayaana go’aansatay in ay isaga hadho baacsiga ay ugu jirtay saxiixa xiddiga reer France.

Sabab la xidhiidha qaab ciyaareedka xiddiga Axel Tuanzebe Man United ayaa go’aansatay in ay isaga hadho baacsiga xiddiga Dayot Upamecano.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*