Man United Oo Liverpool Ka Afduubanaysa Saxiixa Thiago Alcantara, Maxaa Cusub?

Kooxda Man United ayaa lagu soo waramayaa in ay isku diyaarinayso in ay u dhaqaaqdo saxiixa xiddiga khadka dhexe ee kooxda Bayern Munich ee Thiago Alcantara.

Todobaadkan oo dhan xiddiga kubad sameeyaha ah ayaa si weyn loola xidhiidhinayay kooxda Liverrpool ka hor xidhitaanka suuqa kala iibsiga xagaaga.

Wararki ugu dambeeyay ayaa sheegaya in xiddiga reer Spain oo uu hal sano uga hadhay heshiiskiisa kooxda Bayern Munich in uu doonayo in uu ku biiro Liverpool xitaa heshiiska shaqsiga ah la gaadhay.

Laakiin wargayska Bild ayaa sheegaya in ay kooxda Man United haatan ku cidhiidhinayso saxiixa xiddiga 29 jirka ah.

Inkasta oo ay Man United haysato xiddigaha Bruno Fernandes iyo Paul Pogba hadana tababare Ole Gunnar Solskjaer ayaa doonaya in uu helo xiddig kale oo khadka dhexe ah oo kubad sameeye ah.

Kooxda Bayern Munich ayaa xaqiijisay in uu xiddigu isaga tagi doono kooxda xagaaga kuna iibinayso lacag dhan 30 milyan oo euro.

Sii Akhriso: Somalia Oo Hawada Ka Celisay Diyaarad Ku Soo Jeeday Somaliland.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*