Man United Oo Laga Diiday Dalab Rasmi Ah Oo Ay Ka Gudbisay Xiddig Aad Loola Xidhiidhinayo, Mana Ahan Jadon Sancho.

Kooxda Man United ayaa lagu soo waramayaa in ay ku fashilantay dalabkii furitaanka ahaa ee ay ka gudbisay saxiixa xiddiga garabka daafaca uga ciyaara Atletico Madrid ee Kieran Trippier kadib markii ay kooxda ku guulaystay horyaalka La Liga diiday.

Xiddiga reer England ayaa muhiim u ahaa kooxda Atletico madrid xilli ciyaareedkii hore isaga oo 28 kulan ku bilowday La Liga xilli ciyaareedkii dhamaaday ee ay ku guulaysteen.

Si kasta ha ahaatee xiddiga 30 jirka ah ayaa si weyn lola xidiidhinayay Man United marka la eego in uu hal sano ka hadhsanyahay heshiiskiisa Kooxda Atletico.

Laakiin wargayska Fooball Insider ayaa sheegaya in ay Man United dalab 10 milyan ah ka gudbisay saxiixa xiddiga Kieran Trippier laakiin ay Atletico Madrid markiiba diiday dalabkaas.

Atletico Madrid ayaa Man United u sheegtay in ay miiska saarto lacag dhan 20 milyan oo euro hadii ay doonayso xiddiga in ay hesho suuqa kala iibsiga xagaagan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*