Man United Oo La Xa Xidhiidhay Badalka Ole Gunnar Solskjaer Kadib Guuldaradii Istanbul Basaksehir

Kooxda Manchester United ayaa lagu soo waramayaa inay la xiriirtay Mauricio Pochettino si ay ugu bedesho Ole Gunnar Solskjaer kadib qaab ciyaareed xun oo ay ku bilaabatay kooxdu xilli ciyaareedkan.

Mustaqbalka Ole Gunnar Solskjaer ee Man United ayuu shaki weyn soo fuulay kadib guuldaradii 2-aad oo xidhiidh ah kadib markii ay guuldarooyin kala kulmeen kooxaha Arsenal iyo stanbul Basaksehir.

Red Devils ayaa haatan ku jirta kaalinta 15-aad kadib 6 kulan oo ay ciyaartay Premier League iyaga oo sidoo kale ku fashilmay in ay wax guul ah gaadhaan 4-tii kulan ee ay ku ciyaareen garoonkooda Old Trafford.

Wargayska Manchester Evening News ayaa sheegaya in ay maamulka kooxda Man United la xidhiidheen tababarihii hore ee kooxda Tottenham ee Mauricio Pochettino si uu badal ugu noqdo Solskjaer.

Tababare Mauricio Pochettino ayaa bilaa shaqo ah tan ilaa markii laga caydhiyay shaqada Tottenham 6 bilood ka hor.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*