Man United Oo Ku Soo Laabatay Wadada Guulaha Kadib Markii Ay Garaaceen Sunderland.

Kooxda Manchester United ayaa dib ugu soo laabatay wadada Guulaha kaddib markii ay guul muhiim ah ka gaartay kooxda martida u ahayd ee Sunderland, kulankii fiidnimadii Sabtida ka dhacay garoonka Old Trafford, kaasoo qeyb ka ahaa wareegga toddobaad ee horyaalka Premier League-ga Ingiriiska.

Tababaraha reer Portugal, Ruben Amorim, ayaa ka badbaaday in shaqada laga ceyriyo, kadib markii warbaahintu ku xirtay mustaqbalkiisa guuldarro ka timaadda kulanka Sunderland. Laakiin guushan ayaa u oggolaatay inuu sii joogo kursiga tababarka kooxda riyada ee Manchester United.

Manchester United wuxuu si degdeg ah ugu soo galay ciyaarta iyaga oo gool dhaliyay, daqiiqadii 8-aad ee qeybta hore, goolkaasoo uu saxiixay Mason Mount kaddib kubbad uu si qurux badan uga helay saaxiibkiis Mbuemo.

Ka dibna, Benjamin Sesko ayaa labo jibbaaray hogaanka kooxda Red Devils isagoo dhaliyay goolkii labaad daqiiqadii 31-aad.

Markii lagu soo laabtay qeybta labaad, Man United ayaa isku dayday inay sii kordhiso natiijada iyadoo raadinaysay goolkii saddexaad, halka kooxda martida ahayd ee Sunderland ay isku dayday inay yareyso farqiga, balse midkoodna kuma guuleysan isku daygooda. Ugu dambeyntii, garsooraha ayaa ciyaarta soo afjaray isagoo xaqiijiyay guusha United iyo inay gaartay guusheedii saddexaad ee xilli ciyaareedkan Premier League-ga.

Natiijadan darteed, Manchester United waxay si ku-meel-gaar ah ugu kacday kaalinta 8-aad iyadoo heshay 10 dhibcood, halka kooxda guuldarreysatay ee Sunderland ay ku hakatay 11 dhibcood kaalinta 6-aad.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga