Man United Oo Ku Kalsoon In Uu Paul Pogba Sii Joogi Doono Old Trafford & Laba Arin Oo Sabab U Ah

Kooxda Man United ayaa lagu soo waramayaa in ay ku kalsoontahay in ay sii haysan doonto xiddiga khadka dhexe ee Paul Pogba xagaaga dambe ee dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Paul Pogba ayaa si weyn loola xidhiidhinayay in uu isaga tagayo Man United sanadkii ugu dambeeyay iyada oo lala xidhiidhinayay kooxaha Real Madrid iyo Juventus.

Waxa mar kale soo noqday wararkii Pogba la xidhiidhinayay in uu ka tagayo kooxda Red Devils dhamaadka xilli ciyaareedkan isaga oo aan xitaa kulamo badan u ciyaarin kooxda xilli ciyaareedkan.

Laakiin Shabakada ESPN ayaa sheegaysa in ay maamulka Man United ku kalsoonyihiin haatan in uu xiddiga Paul Pogba sii joogi doono kooxda xilli ciyaareedka dambe.

Sababta ugu horaysa ayaa ah in ay Man United aaminsantahay in ayna jiri doonin xagaaga koox bixin doonta lacagta ay ku doonayaan in ay ku iibiyaan xididga khadka dhexe oo dhan 100 milyan oo euro iyo wax ka badan.

Advertisements

Sababta kale ayaa ah mushaharka xiddiga oo dhan 300 kun oo Gini todobaadkii una dhiganta 14.4 milyan euro sanadkii waana mid ayna kooxna ogolaan doonin sabab la xidhiidha xanuunka Coronavirus oo si weyn dhulka u dhigay dhaqaalaha adduunka haatanbana kooxaha qaar la dhibaatoonayaan dhaqaalohooda.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*