Man United Oo Ku Kalsoon In Ay Dhamaystiri Karto Saxiixa Jadon Sancho, Liverpool & Chelsea ayaana Sabab U Ah.

Kooxda Man United ayaa lagu soo waramayaa in ay si weyn ugu kalsoontahay in ay dhamaystiri doonto saxiixa xiddiga kooxda Borussia Dortmund ee Jadon Sancho marka la gaadho xagaaga.

United ayaa haatan hogaaminaysa tartanka loogu jiro saxiixa Sancho kaas oo ay doonayso in ay ku soo celiso premier League iyada oo kaga horaysa kooxda kale ee premier League.

Sancho oo ka tagay Man City xagaagii 2017 ayaa lagu qiimeeyaa 120 milyan oo euro waxana uu ku jiraa qaab ciyaareed cajiib ah tan ilaa markii uu ku biiray Dortmund.

Kooxaha premier League ee Chelsea iyo Liverpool sidoo kale kooxaha reer Spain ee Barcelona iyo Real Madrid ayaa xiiso u qabay xiddiga shalay noqday 20 jirka ah.

Laakiin kooxda Man United ayaa ku kalsoon in ay dhamaystiri doonto saxiixa Jadon Sancho sabab la xidhiidha in ay kooxaha Liverpool iyo Chelsea isaga hadheen tartanka xiddiga sabab la xidhiidha qiimaha ay Dortmund dul dhigtay xiddiga.

Advertisements

Sidaas darteed wargayska Mirror ayaa sheegaya in ay Man United tahay kooxda ugu cad-cad ee uu Sancho ku biiri doono dhamaadka xilli ciyaareedkan suuqa xagaaga.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*