Man United Oo Ku Kalsoon In Ay Dhamaystiri Doonto Saxiixa Raphael Varane.

Manchester United ayaa lagu soo waramayaa inay ku dhowdahay saxiixa daafaca dhexe ee Real Madrid Raphael Varane.

Red Devils ayaa la rumaysanyahay in ay haatanba heshiiska shaqsiga ah la gaadhay xiddiga reer France kaas oo doonaya in uu tartan cusub ciyaaro kadib 10 sano oo uu joogay Real Madrid.

Labada kooxood ayaa haatan ka wadahadlaya qiimaha xiddiga waxana la sheegayaa in ay Man United diyaar u tahay in ay bixiso lacag dhan 50 milyan oo euro.

Sida laga soo xigtay saxafiga Fabrizio Romano, Kooxda Man United ayaa ku kalsoon in ay dhamaystiri doonto saxiixa xiddiga reer France.

Xiddiga 28 jirka ah oo xulkiisa France kala qayb qaatay tartankii euro 2020 ayay 12 bilood uga dhimantahay heshiiskiisa kooxda Real Madrid waxana ay kooxda reer Spain doonaysaa in ay iska iibiso xiddiga.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: Ma ahan Qurux, Lacag, Labadan Arin Ku Dooro Gabadha Riyadaada

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*