Man United Oo Ku Dhaw Weeraryahan Premeir League Ka Ciyaara.

Kooxda Man United ayaa muhiimadeeda ugu horaysa ee suuqa kala iibsiga xagaaga ka dhigatay xoojinta dhanka weeraka iyada oo uu Ole Gunnar Solskjaer doonayo gool dhaliye halis ah.

Waxa ay u muuqataa in ay Kooxdu la soo saxiixanayso mid ka mid ah xiddigaha weerarka ka ciyaara ee ugu fiican horyaalka premier League.

Wargayska Daily mail ayaa sheegaya in ay kooxda Man United ku dhawdahay saxiixa weeraryahanka kooxda Wolves ee Raúl Jiménez.

Man United ayaa helaysa saxiixa Raúl Jiménez Xilli ay kooxda Wolves ku dhawdahay in ay la soo saxiixato badalkiisa iyaga oo soo wada xiddiga reer Portugal ee Paulinho kaas oo dhaliyay 25 gool & 9 caawin xilli ciyaareedkan.

Raúl Jiménez ayaa ka mid ah xiddigaha ugu fiican ee weerarka xilli ciyaareedkan isaga oo kooxdiisa ka caawiyay in ay guulo badan gaadho.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*