Man United Oo Ku Dhaw In Ay Heshiiska Shaqsiga Ah La Gaadho Jadon Sancho & Faah-Faahinta Heshiiska Uu Saxiixayo Oo La Ogaaday.

Ku Biiristii Jadon Sancho ee Man United ayaa talaabo kale qaaday kadib markii ay soo bexeen warar sheegaya in uu xiddiga Dortmund ku dhawyahay in uu heshiiska shaqsiga ah la gaadho Man United.

Wax qarsoon ma ahan in uu 20 jirkan bartilmaameed u yahay kooxda Man United iyada oo kooxdu wadahadalo kula jirto kooxda reer Germany ee Dortmund.

Labada kooxood ayaan wali ka heshiin saxiixa xiddiga iyo qiimaha lagu kala iibsinayo iyada oo ay Dortmund dalabanayso lacag ka badan 100 milyan oo euro.

Wargayska Daily Mail ayaa sheegaya in kooxda Man United talaabo kale u qaaday saxiixa xiddiga iyaga oo ku dhaw in ay heshiiska shaqsiga ah la gaadhaan.

Sancho ayaa haatan Dortmund ka qaata lacag dhan 75 kun oo Gini todobaadkii waxana ay Man United u laba jibaaraysaa mushaharka uu haatan Dortmund ka qaato.

Dhanka kale Jadon Sancho ayaa qalinka ku duugi doona heshiis 5 sano ah oo uu kooxda ku soo joogi doono hadii uu ku soo biiro kooxda xagaagan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*