Man United Oo Ku Dhaw In Ay Gabi Ahaan Isaga Hadho Baacsiga Jadon Sancho & Sababta Oo La Ogaaday.

Kooxda Man United ayaa dhirbaaxo kala kulantay wadahadaladii ay kula jirtay kooxda Borusia Dortmund ee ku aadaan saxiixa Jadon Sancho kadib markii ay wadahadaladu bur-bureen.

Sancho ayaa ah bartilmaameedka 1-aad ee Ole Gunnar Solskjaer kadib markii uu xiddiga 20 jirka ah qaab ciyaareed cajiib ah soo bandhigay.

Waxa la rumaysanyahay in uu xiddigu heshiiska shaqsiga ah la gaadhay kooxda Man United waliba doonayo in uu ku biiro Old Trafford xagaaga.

Laakiin haatan Red Devils ayaa qarka u saaran in ay isaga baxdo baacsiga ay ugu jirto xiddiga sabab la xidgiidha in ay Dortmund dalbanayso lacag aan macquul ahayn.

Kooxda Dortmund ayaa diidan in ay hoos u dhigto qiimaha 110 milyan ee ay ku doonayso xiddiga halka Man United ogoshahay kaliya 80 milyan oo euro.

Waxa loo malaynayay in ay labada kooxood meel dhexe ku kulmi doonaan wadahadalada laakiin waxa haatan bur-buray wadahadaladii u dhexeeyay labada dhinac.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*