Man United Oo Kashiftay Halka Wado Ee Lagu Heli Karo Saxiixa Goolhaye Dean Henderson

Kooxda Man United ayaa kooxaha doonaya saxiixa Goolhaye Dean Henderson u sheegtay halka wado ee ay ku fasixi karaan Goolhayaha reer England xagaaga dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Goolhaye Dean Henderson ayaa ka niyad jabsan tababare Ole Gunnar Solskjaer kadib markii uu kooxda ku soo laabtay xagaagii la soo dhaafay.

Goolhaye Dean Henderson ayaa ku soo laabtay kooxda xagaagii kadib markii uu qaab ciyaareed cajiib ah ku soo bandhigay kooxda Sheffield United oo uu amaah kula joogay gaar ahaan xilli ciyaareedkii hore.

Goolhaye Dean Henderson ayaa ka dambeeya Goolhaye David De Gea kaas oo qaab ciyaareed cajiib ah ku jira xilli ciyaareedkan isaga oo aan ciyaarin kulamo badan.

Wargayska Manchester Evening News ayaa sheegaya in ay kooxda Man United Go’aansatay in ay iska iibiso Goolhaye Dean Henderson dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Isla wargayska ayaa sheegaua in ay Man United kooxaha doonaya saxiixa Goolhayaha reer England ka dalban doonto lacag dhan 40 milyan oo euro.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*