Man United Oo Ka Wal-Walsan Culays Saaran Bruno Fernandes

Manchester United ayaa lagu soo waramayaa inay ka walaacsan tahay culeyska la saaray Bruno Fernandes.

26 jirkaan ayaa qaab ciyaareed cajiib ah ku jira Tan ilaa markii uu ku soo biiray Red Devils suuqii January isagoo dhaliyay 14 gool isla markaana caawiye ka noqday 10 kale 26 kulan oo uu saftay tartamada oo dhan.

Xiddiga reer Portugal ayaa door muhiim ah ka qaatay u soo bixistii Man United ee champions League isaga oo qaab ciyaareed cajiib ah soo bandhigay.

Sida laga soo xigtay wargayska O Jogo Red Devils ay ka walwalsan culeys maskaxeed iyo midka jireed ee saaran xiddiga kubad sameeyaha ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*