Man United Oo Ka Jawaabtay Wararka Sheegaya In Ay Kooxdu Ku Dhawdahay Saxiixa Raul Jimenez

Kooxda Man United ayaa beenisay wararka sheegaya in ay kooxdu ku dhawdahay saxiixa xiddiga kooxda Wolves ee Raul Jimenez kuwaas oo shalay ka yimid dalka Portugal.

Wargayska reer Portugla ee RTP ayaa shalay sheegay in uu Raul Jimenez ku dhawyahay in uu ku biiro kooxda Man United kadib markii ay kooxda Wolves la soo saxiixatay badalka xiddiga oo ah Paulinho kaas oo ay kala soo wareegtay kooxda Braga.

Si kasta ha ahaatee wargayska Manchester Evening News ayaa sheegaya in ilo wareedyo ku dhaw Man United u xaqiijiyeen in ayna waxba ka jirin wararkaas.

Tababaraha Man United ee Ole Gunnar Solskjaer ayaa la sheegayaa in uu taageere u yahay xiddiga Jimenez kaas oo dhaliyay 17 gool premier League xilli ciyaareedkii dhamaaday.

Laakiin Solskjaer ayaan haatan u baahnayn weeraryahan toos ah maadama ay kooxda joogaan xiddigaha Anthony Martial, Marcus Rashford & Mason Greenwood laakiin ay muhiimadooda siin doonaan xiddigaha Jadon Sancho iyo Jack Grealish.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*