Man United Oo Ka Jawaabtay Wakhtigii Ay Borussia Dortmund U Qabatay In Ay Ku Dhamaystirto Saxiixa Jadon Sancho.

Kooxda Man United ayaa sheegtay in ayna wax deg-deg ah ugu jirin in ay dhamaystirto saxiixa Jadon Sancho 10 bishan August oo ah wakhtiga ay Borussia Dortmund u qabatay in ay dhamaystirto saxiixa Jadon Sancho.

Xiddiga reer England ayaa bartilmaameed wakhti dheer u ah kooxda Man United iyada oo doonaysa in ay ku xoojiso kooxdeeda xilli ciyaareedka dambe.

Laakiin kooxda reer Germany ee Dormynd ayaa Man United u sheegtay in ay saxiixa xiddiga ku dhamaystirto 10 bishan August ee lagu jiro.

Tababaraha kooxda Dortmund Lucien Favre ayaa doonaya in uu ogaado xiddigaha uu ku shaqo gali doono xilli ciyaareedka dambe.

Laakiin wargayska Manchester Evening News ayaa sheegaya in ayna Man United wax deg-deg ah ku jirin waliba aaminsan in ay saxiixa xiddiga dhamaystiri doonto wixii ka dambeeya wakhtiga ay Dortmund u qabatay.

Sii Akhriso: Dawlada Soomaaliya Oo Muqdisho Ku Soo Celisay Muwaadiniin Ku Xidhnaa Dalka Iran.

Laacib.net

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*