Man United Oo Ka Jawaabtay Ganaaxa 3-da Kulan Ee Dusha Laga Saaray Edinson Cavani

Kooxda Manchester United ayaa difaacday Edinson Cavani waxayna ku adkeysatay in weeraryahanku uusan ahayn Cunsuri kadib markii xiddiga dusha laga saaray 3 kulan oo ganaax ah kadib markii uu Isticmaalay erayga ‘negrito’ qoraal uu soo dhigay Instagram.

Ka dib markii uu dhaliyay labo gool kulankii ay United 3-2 kaga badisay Southampton 29 bishii November Cavani ayaa ugu mahadceliyay saaxiibkiis hambalyo uu u soo diray waxana uu ku tilmaamay “negrito” taas oo inta badan Koonfurta Ameerika si looga isticmaalo fariin qadarin ah halka dhanka kale wadamada qaar looga Isticmaalo dadka madaw.

Man United ayaa sheegaysa in uu Cavani soo dhigay qoraalka isaga oo aan ka warqabin macnaha looga yaqaano England iyo waliba in uu dadka saamayn ku yeelanayo qoraalkiisu.

Qoraal ay soo saartay United ayaa u qornaa sidan: ‘Sida uu cadeeyay, Edinson Cavani ma uusan ka warqabin in hadaladiisa si qaldan loo fahmi karo wuxuuna si kal iyo laab ah uga raali galiyay qof kasta oo ka xumaaday”.

“In kasta oo uu aamminsanaa inuu kaliya dirayo mahad-celin kalgacal leh oo uu uga jawaabayo dhambaal hambalyo ah oo uga yimid saaxiib dhaw hadana waxa uu doortay in uuna muran ka keenin dacwada lagu soo oogay isaga oo Ixtiraamaya FA-ga Iyo la dagaallanka midabtakoorka kubada cagta”.

“In kasta oo ay cadahay in macnaha guud iyo ujeedku ay yihiin qodobo muhiim ah, waxaan xusid mudan in gudiga madaxa banaan ee nidaaminta looga baahan yahay inuu soo rogo ugu yaraan seddex kulan oo ganaax ah”.

“Kooxdu waxa ay ku kalsoon yahay in guddiga madaxa bannaan ee sharciyeynta ay ku caddeyn doonaan sababahooda qaab qoraal ah in uuna Edinson Cavani ahayn mid cunsuri ah sidoo kale ayna jirin wax cunsuriyad ah oo loola dan lahaa qoraalkiisa”.

Cavani ayaa seegi doona kulamada Aston Villa, Man City iyo Watford kuwaas oo kala ah premier League, League cup iyo FA Cup.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*