Man United Oo Ka Jawaabtay Codsiga Cristiano Ronaldo Ee Bixitaanka Suuqa Xagaagan.

Kooxda Man United ayaa Cristiano Ronaldo ka diiday in aan la iibin doonin inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaagan sida ay sheegayaan wararku.

Xiddiga Cristiano Ronaldo ayaa shalay codsaday in la fasaxo si uu uga tago kooxda uguna biiro koox ka ciyaarta champions League.

Laakiin Man United ayaa ka diiday dalabka Cristiano Ronaldo waxana ay u sheegtay in uu joogi doono kooxda ugu yaraan ilaa inta uu dhacayo heshiiskiisa xagaaga 2023.

Kooxo dhawr ah ayaa haatanba xiiso u muujiyay saxiixa xiddiga reer Portugal kuwaas oo ay ka mid yihiin Bayern Munich, chelsea, Napoli, Real Madrid iyo Roma.

Laakiin Man United ayaa Cristiano Ronaldo u sheegtay in uuna meelna uga socon kooxda suuqa xagaagan isla markaas uu dhamaysan doono heshiiskiisa.

Cristiano Ronaldo ayaa la sheegayaa in uu ka niyad jabsan yahay suuqa kala iibsiga kooxda Man United waxana uu dareensanyahay in ayna xilli ciyaareedka dambe koobab u tartami doonin.