Man United Oo Ka Fiirsanaysa In Ay Premier League Ku Soo Celiso Xiddig Jooga Inter Milan.

Kooxda Man United ayaa lagu soo waramayaa in ay ka fiirsanayso in ay suuqa January u dhaqaaqdo xiddiga ku dhibaatoonaya kooxda Inter Milan ee Christian Eriksen.

Xiddiga 28 jirka ah ayaa suuqii January ka tagay Tottenham kuna biiray Inter Milan laakiin ku dhibaatoonaya in uu la qabsado kooxda Inter Milan.

Christian Eriksen Ayaa kaliya 9 kulan u saftay kooxda Horyaalka Serie A-da tan ilaa markii uu ku biiray Inter Milan isaga oo kaliya hal kulan saftay xilli ciyaareedkan.

Wargayska Todofichajes ayaa sheegaya in ay Man United doonayso in ay xiddiga Christian Eriksen dib ugu soo celiso premier League marka la gaadho suuqa January.

Kooxda Inter Milan ayaa la sheegayaa in ay diyaar u tahay in ay xiddigii hore ee Tottenham ku iibiso lacag dhan 18 milyan oo euro.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*