Man United Oo Joojisay Wadahadaladii Heshiis Kordhinta Ahaa Ee Ay Kula Jireen Eric Bailly, Sabab.

Kooxda Man United ayaa lagu soo waramayaa in ay joojisay wadahaladii heshiis kordhinta ahaa ee ay kula jirtay daafaca Eric Bailly inta lagu jiro fasaxa xulalka.

Mustaqbalka xiddiga 26 jirka ah ee Old Trafford ayuu shaki ku jiraa xilli uu heshiiskiisa haatan ee kooxdu dhici doono xagaaga dambe.

Red Devils ayaa la sheegayaa in ay doonayaan in ay sii haystaan xiddiga waliba heshiis cusub ka saxiixdaan xiddiga laakiin waxa soo baxay dhawaan warar Sheegaya in uu Eric Bailly diiday heshiiska cusub sabab la xidhiidha in uuna haysan kalsoonida tababare Ole Gunnar Solskjaer.

Eric Bailly Ayaa la rumaysanyahay in uu ka xanaaqay ka reebistii uu tababaruhu ka reebay kulankii Europa League ee ay Man United todobaadkii hore la ciyaartay kooxda Ac Milan.

Wargayska Mirror ayaa haatan sheegaya in ay Man United joojisay wadahadaladii heshiis kordhinta inta lagu jiro fasaxa xulalka laakiin uu xiddigu sii joogi doono hadii loo balan qaado ciyaarista kulamo badan.

Sii Akhriso: Kalmado La Mid Ah “Waan Ku Jecelahay” Laakiin Ka Fiican, Kana Qoto Dheer, U Isticmaal Qofka Aad Jeceshahay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*