Man United Oo Jadon Sancho U Soo Bandhigi Doonta 2 Lambar Oo Uu Kala Doorto Hadii Uu Ku Soo Biiro Kooxda.

Kooxda Man United ayaa lagu soo waramayaa in ay Xiddiga Jadon Sanco u soo bandhigi doonto Lambarada No.7 iyo No.11 si uu u doorto Lambarka uu doonayo hadii uu ku soo biiro kooxda xagaagan.

United ayaa lala xidhiidhinayaa xiddiga reer England waxana la sheegayaa in ay heshiis hordhac ah la gaadhay kooxda Borussia Dortmund.

Wargayska Manchester Evening News ayaa sheegaya hadii uu xiddigii hore ee Man City ku soo biiro Old Trafford in la dooran siin doono Laba Lambar.

Wararka ayaa sheegaya in Lambarka No.7 oo uu kooxda u qaadan jiray xiddiga amaahda uga maqan ee Alexis Sanchez iyo Lambarka No.11 loo bandhigi doono xiddiga.

No.11 ayaa ah Lambar banaan tan ilaa markii uu Anthony Martial u wareegay Lambarka No.9 kadib markii uu Alexisa Sanchez ka tagay kooxda.

Laacib.net

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*