Man United Oo Isha Ku Haysa Weeraryahan Premier League Ka Ciyaara.

Kooxda Man United ayaa lagu soo waramayaa in ay u dhaqaaqayso saxiixa xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Brentford ee Ivan Toney si ay ugu badasho Cristiano Ronaldo hadii uu ka tago kooxda suuqa xagaagan.

Xiddiga 26 jirka ah ayaa soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah xilli ciyaareedkii dhamaaday isaga oo dhaliyay 14 gool 37 kulan oo uu u ciyaaray kooxdiisa.

Ivan Toney Ayaa dhaliyay 12 gool iyo 5 caawin premier League isaga oo kooxdiisa ka caawiyay in ay sii joogaan premier League.

Sida laga soo xigtay Mirror, Man United ayaa taageere u ah xiddiga waxana ay u dhaqaaqi doontaa suuqa xagaagan ka hor inta uuna xidhmin suuqa kala iibsiga xagaaga.

Wararka ayaa sheegaya in ay Man United tartan adag oo ku aadan saxiixa xiddiga kala kulmi doonto kooxaha Newcastle, West Ham iyo Leeds United.