Man United Oo Isha Ku Haysa In Ay Ka Fogaato Rikoodh 63 Jira Kulanka Burnley.

Kooxda Man United ayaa si buuxda u qaban doonta hogaanka horyaalka premier League hadii ay caawa ka fogaato in ay guuldaro kala kulanto kooxda Burnley kulan ka dhici doona Turf Moor.

Kooxda Ole Gunnar Solskjaer ayaa helay 26 dhibcood 10-kii kulan ee ugu dambeeyay taas oo cadaadiska ka qaaday tababare Solskjaer.

Si kasta ha ahatee Man United ayaa doonaya in ay ka fogaato in ay bar-barayso rikoodh ay dhigtay 53 dano ka hor kulanka Burnley.

Red Devils ayan laba guuldaro oo xidhiidh ah kala kulmin kooxda Burnley tan ilaa 1968-kii laakiin arintaas ayaa is badalaysa hadii ay caawa guuldaro kala kulmaan Burnley.

Kooxda Man United ayaa guuldaro 2/0 ah kala kulantay kooxda Burnley kulan ka dhacay Old Trafford sanadkii tagay horyaalka premier League.

Sidaas darteed waxa ay u baahanyihiin in ay ka fogaadaan guuldaro ka soo gaadha kooxda Burnley kulanka caawa ee horyaalka premier League.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*