Man United Oo Isha Ku Haysa In Ay Bar-Barayso Rikoodh Cajiib Ah Kulanka Liverpool.

Kooxda Man United ayaa isha ku haysa in ay bar-barayso rikoodh kulamada martida ah marka ay la ciyaari doonto kooxda Liverpool Kulan ka dhici doona Anfield.

Kooxda Ole Gunnar Solskjaer ayaa qaab ciyaareed fiican ku jira iyaga oo 36 dhibcood helay 17 kulan oo ay ciyaareen iyaga oo 3 dhibcood ku hogaaminaya premier League.

Kulamada martida ee kooxda Man United xilli ciyaareedkan ayaa ah mid cajiibah iyaga oo 7 kulan badiyay hal kulana bar-baro galay 8-dii kulan ee ay ciyaareen iyaga oo 22 dhibcood helay iyaga oo bar-bareeyay rikoodhak taariikhiga ah ee kulamada martida ee kooxda.

Laakiin hadii ay Red Devils ayaa haatan isha ku haysa in ay gaadho 7 ka mid ah 9-ka kulan ee martida ee prmeier League xilli ciyaareedkan iyaga oo sidaas samayn doona markii 2-aad ee taariikhda kooxda kadib markii ay horay u sameeyeen xilli ciyaareedkii 1993/1994.

Man United ayaa ilaa haatan kulamada martida garaacday kooxaha Brighton & Hove Albion, Newcastle United, Everton, Southampton, West Ham United, Sheffield United Iyo Burnley iyaga oo kaliya dhibco ku lumiyay kulankii Leicester City ee ay bar-baraha galeen.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: Ma Doonaysaa In Uuna Gacaliyahaag Waligaa Kaa Tagin, 3-dan Arin Ayaad Ku Dagi Kartaa Qalbigiisa.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*