Man United Oo Horumar Ka Samaysay Baacsiga Xiddig Khadka Dhexe Ka Ciyaara Oo Aad Loo Qiimeeyo.

Kooxda Man United ayaa lagu soo waramayaa in ay kor u qaaday baacsiga ay ugu jirto saxiixa xiddiga khadka dhexe ee kooxda Rennes ee Eduardo Camavinga.

Xiddiga reer France oo bisha Nevember noqon doona 19 jir ayaa haatana kooxdiisa u saftay 82 kulan waxana uu dhaliyay 2 gool sidoo kale caawiyay 5 kale.

Heshiiska Camavinga uu haatan kula joogo Les Rennais ayaa dhacaya Xagaaga dambe waxana la aaminsanyahay in suuqa la dhigay inta lagu jiro suuqa xagaagan.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in ay Man United la kulantay wakiilka xiddiga si ay ugala hadasho suurtagalnimada ay ku heli karaan saxiixa xiddiga.

Sida laga soo xigtay saxafiga reer Talyaani ee Fabrizio Romano, koxda Man United ayaa horumar ka samayaysay saxiixa xiddiga reer France iyada oo kooxda Rennes diyaar u ah in ay qabasho dalab lacageed oo dhan 30 milyan oo euro.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*