Man United Oo Hogaanka PL Ku Soo Laabatay , Pogba Ayaa Guul Weyn Ku Soo Hogaamiyay

Man United ayaa guul ka gaartay Fulham oo ay marti u ahaayeen ka dib ciyaar adkeyd oo biloowgii looga naxsaday United .

Qeynbta hore waxa ay ku nasteen min hal gool xilli United goolka looga naxsaday daqiiqaddii 5-aad balse Cavani ayaa bar bar dhaca keenay daqiiqaddii 21-aad.

United qeybtaas hore kubad haysashada waxa ay agareysay %61 iyaga ayaana ku sareeyay maamulka kubad balse kooxda Fulham aad ayay u wacnaayeen

United daqiiqaddii 22-aad kubad gool aheyd ayaa birta kaga dhacday waxaana sameeyay Fernandes xilli kooxda Fulham ay ciyaarayeen kubad kalsooni leh .

United qeybta hore waxa ay ka sheegteen in kubad si fog ugu laadaan goosha Fulham waxa ayna arintaas aheyd xalka ka maqnaa kooxdaas.

Qeybta labaad, United guud ahaan maamulka kubadda iyaga ayuu cagta ugu jiray waxa ayna gaarayeen heer dhan %70

Goolhayaha Fulham ayaa United u diidanaa gool xilli iyana ,mararka qaarr lagu halis gilinayay kubadhaha rogaal celiska ah illaa ay keeneen gool labaad oo cajiib ahaa ee uu saxiixay Pogba .

Pogba ayaa inta uu kubad maamushay waliba isha ku xaday goosha Fulham ayuu meel fog ka toogtay waxa uuna goolkaas dhashay daqiiqaddii 65-aad.

De Gea ayaa United ka bad baadiyay bar bar dhac lagu qabto daqiiqaddii dhamaadka ciyaarta xilligaas oo ay Fulham ciyaareysay kubadn cadaadis leh

Dhamaadkii United waa u nuglaayeen goolka bar bar dhaca balse Fulham ayaa si sahal ah isaga qasaarineysay waxa uuna uuna Ole Gunner badakiisa ugu horeeyay sameeyay daqiiqadii 85-aad waqtigaas oo uu soo giliyay Mctominay iyo Rashfoord oo loo saaray Martial iyo Greenwood

Fulham waa dadaalayeen kaliya waxaa ka maqneyd in ay ciyaarta diiradda saaraan oo deg degsiimo ayaa ka dileysay kubadaha ay soo dhisaan, waxa ayna ciyaarta ku dhamaatay 2/1 o ay United hogaaka ugu soo laabteen

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*