Man United Oo Heshiis Isku Badalasho Ah La Samaynaysa Koox La Liga Ka Ciyaarta & Xiddigaha La Is Dhaafsanayo Oo La Ogaaday.

Kooxda Man United ayaa lagu soo waramayaa in ay ogoshahay in ay heshiis isku badalasho ah la samayso kooxda Villarreal iyada oo la is dhaafsan doono xiddigaha daafaca ka ciyaara ee Eric Bailly iyo Pau Torres.

Tababare Ole Gunnar Solskjaer ayaa inta badan ku ciyaara xiddigaha Victor Lndelof iyo Harry Maguire kadib markii uu Bailly dhaawacyo soo wajaheen.

Bailly ayaa kaliya 4 kulan ciyaaray kulamada kooxda Man United ee xilli ciyaareedkan iyada oo uu xiddigu 15 saftay guud ahaan sanadkan 2020.

Si ay u xaliyaan dhibaatada daafaca dhexe wargayska TEAMtalk ayaa sheegaya in ay United Bailly ku badalato xiddiga Villarreal ee Torres.

Xiddiga 26 jirka ah ayaa Man United kaga soo biiray Villarreal sanadkii 2016 waxana ay doonayaan in ay ku badashaan Torres kadib markii uu qaab ciyaareed fiican soo bandhigay.

Sii Akhriso: DEG-DEG: Somaliya Oo Muqdisho Ka Caydhisay Safiirka Kenya U Fadhiyay Somaliya & Sababta Oo La Ogaaday.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*