Man United Oo Heshay Wado U Fududaynaysa Saxiixa Erling Braut Haaland.

Kooxda Man United ayaa lagu soo waramayaa in ay xiddiga Donny van de Beek ku darayso saxiixa ay ku doonayso xiddiga weerarka uga ciyaara Borussia Dortmund ee Erling Haaland sida ay sheegayaan wararku.

Kooxda Premeir League ka ciyaarta ayaa doonaysa saxiixa xiddiga reer Norway ee Erling haaland si ay ugu xoojiyaan weerarka xilli ciyaareedka dambe.

Dortmund ayay u badantahay in ay iska iibiso xiddiga 20 jirka a ee 35-ka gool u dhaliyay tartamada oo dhan xilli ciyaareedkan.

Shabakada 90 min ayaa haatan sheegaysa in ay kooxda Man United diyaarinayso in ay xiddiga Donny van de Beek ka qayb dhigto heshiiska ay ku doonayso saxiixa Haaland.

Kooxda Dortmund ayaa dhankeeda xiiso u qabta saxiixa xiddiga Donny van de Beek Waxana ay Man United doonaysaa in ay ka faa’iidaysato arintaas.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*