Man United Oo Heshay Wado U Fududaynaysa Saxiixa Declan Rice

Manchester United ayaa lagu soo waramayaa inay diyaar u tahay inay iska iibiso xiddigaha qadka dhexe Donny van de Beek iyo Nemanja Matic si ay gacan uga geystaan ​​saxiixa xiddiga kooxda West Ham ee Declan Rice.

Ole Gunnar Solskjaer ayaa aad U Doonaya in uu xiddig khadka dhexe oo daafac ah ku soo daro kooxdiisa si uu ula tartamo xiddigaha Fred iyo Scott McTominay.

Sida laga soo xigtay The Express, Red Devils ayaa raadineysa inay iska iibiso xiddigaha Van de Beek iyo Matic kuwaas oo uu qaab ciyaareedkoodu hoos u dhacay.

Van de Beek ayaa si aad ah loola xiriirinayay inuu ka tagayo United ka dib markii uu ku guuldareystay inuu boos joogto ah ka helo safka koowaad ee Solskjaer, ka dib markii uu £ 40m ugu wareegay xagaagii hore.

Dhanka kale Matic, wax ka yar laba sano ayaa uga harsan qandaraaskiisa, Red Devils ayaana rajeyneysa inay iska iibiso 33 jirkaan ka hor inta uusan dhicin heshiiskiisa.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*