Man United Oo Heshay Wado Ay Jadon Sancho Ugu Qancinayso In Uu Yimaado Old Trafford.

Xiddiga Jadon Sancho ayaa ka mid ah xiddigaha aadka loo hadal hayo suuqa kala iibsiga xagaaga waxana isku baacsanaya kooxo badan oo premier League ah kuwaas oo doonaya saxiixiisa.

Laakiin Man United ayaa ku rajo weyn in ay saxiixa xiddiga ku garaacdo kooxaha ay ku xafiiltamaan horyaalka si ay ugu xoojiyaan garabka weerarka xilli ciyaareedka dambe.

Sancho ayaa lala xidhiidhinayay Man United ilaa xagaagii hore laakiin waxa la filayaa in ay awoodooda isugu geeyaan saxiixiisa xagaaga kadib dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Wargayska Express ayaa sheegaya in ay kooxda Man United rajaynayso in ay 100 milyan kula soo wareegto xiddiga iyaga oo waliba haatanba u balanqaaday in uu kooxda u xidhan doono Lambarka No.7 oo uu ka tagay xiddiga Alexis Sancho kaas oo amaah uga tagay kooxda kuna biiray Inter Milan.

Solskjaer ayaan doonayn in uu Alexis Sanchez ku soo laabto kooxda sidaasna lagu iibiyo xiddiga xagaaga si uu Sancho u siiyo Lambarka No.7 si uu ugu qanciyo in uu yimaado kooxda.

Advertisements

Sancho ayaa xilli ciyaareedkan ku jira qaab ciyaareed cajiib ah isaga oo dhaliyay 17 gool sidoo kale caawiye ka noqday 19 kale tartamada oo dhan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*