Man United Oo Heshay Dalab Looga Doonayo Xiddig Laga Nacay Kooxda.

Manchester United ayaa hadda helay dalab rasmi ah oo kaga yimid AS Roma, kaasoo ku saabsan suuragalnimada bixitaanka Joshua Zirkzee bisha Janaayo (2026), sida uu sheegayo Fabrizio Romano.

Saxafiga Talyaaniga ah ayaa ka sheegay kanaalkiisa YouTube:
“Manchester United waxay xaqiijiyeen inay heleen dalab rasmi ah oo kaga yimid Roma oo ku saabsan Joshua Zirkzee.

“Waa heshiis amaah ah oo wata waajib iibsi oo shuruud ku xiran, waxaana Manchester United ay xaqiijiyeen, iyagoo adeegsanaya dhexdhexaadiyeyaal, inay heleen dalab kaga yimid Roma”

“Manchester United, sidaan idiin sheegay maalmaha ka hor Kirismaska, waxay qaadanayaan waqtigooda.”

Zirkzee ayaa ciyaaray 12 kulan oo uu u saftay Red Devils xilli-ciyaareedka 2025/26, isagoo dhaliyay hal gool oo kaliya muddadaas.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga