Man United Oo Heshay Badalka Cristiano Ronaldo.

Manchester United ayaa lagu soo waramayaa inay weeraryahanka kooxda kooxda Inter Milan ee Lautaro Martinez u calaamadsatay badalka macquulka ah ee Cristiano Ronaldo.

Ronaldo ayaa qaab xor ah uga tagay Man United kadib markii ay kooxdu kansashay heshiiska uu kula jiray kooxda.

Man United ayaa la filayaa in ay suuqa January y gasho badalka Ronaldo si ay ugu tartamaan koobabka qaybta dambe ee xilli ciyaareedka.

Sida laga soo xigtay Fichajes, Martinez ayaa loo arkaa bedelka suurtagalka ah ee Ronaldo iyada oo uu Erik Ten Hag taageere u yahay xiddiga reer Argentina.

25-sano jirkaan ayaa haatan la jooga xulka Argentina ee ka qeyb galaya Koobka Adduunka 2022, isagoo ciyaaray 90-kii daqiiqo ee ciyaartii ay xulkiisa guuldarro 2-1 ah kala kulmeen Saudi Arabia furitaanka tartanka.

Martinez ayaa qaab ciyaareed xoogan ku qaadanaya Inter xilli ciyaareedkan, isagoo dhaliyay 7 gool, halka uu caawiye ka noqday 4 kale horyaalka Serie A-da xilli ciyaareedkan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*