Man United Oo Haysa Wadada Guul-darada , Istanbul Basaksehir Ayaa Soo Ceebeysay

Kooxda reer Turki ee Istanbul Basaksehir ayaa guul taariikhi ah wax aay ka gaareen United xilli kooxdaan ku cusub Champion-ka ay ku garaaceen wiilasha Ole 2/1 , waxaana United dhamaadkii loo diiday goolka bar bar dhaca.

Sheekada ciyaarta: Istanbul Basaksehir ayaa United nasiinada ugu dirta 2/1 xilli wiilasha Ole Gunner ay sameeynayeen qaladaad waa weyn .

Kooxda reer Turki ayaa ka faa`ideystay qaladaad ay sameeyeen xiddigaha dafaca iyo qadka dhexe United kuwaasi oo si ka bad badis ah weerar u soo aadayay waxa ayna goolashaas yimaadeen daqiiqadihii 13-aad iyo 40-aad halka kan United uu yimid uu dhaliyay Martial

United guud ahaan qeybtaas hore iyaga ayaa kubad haysatay balse waxa ay aheyd mid caajis maxaa yeelay si xeeladeysan uma aysan tageyn afka hore kooxda reer Turki

Qeybta labaad , guud ahaan United iyagaa ayaa maamulay kubadda balse daafac adag ayaa laga xertay oo kubad waliba oo ay geeyana afka hore waa la soo ceinayay .

Kooxda reer Turki , waxa ay ku tiirsanayeen kubadaha rogala celiska ah waxa ayna United ku dileen in ay ciyareen kubad bilaa cadaadis ah , waxa ayan United  badaladooda yimaadeen daqiqiadii 46,61, iyo 76-aad oo ay ku soo giliyeen Mctominy , Pogba, Cavani  Greenweood, iyo Manseh

United kulankaan ayay u qaboobaayeen kaliyaan kubadda uun ayaa cagtooda ku abdneyd ee waxa ay u muuqdeen kuwo ciyaar saaxbtinimo ciyaaraya .

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*