Man United Oo Haatanba Diyaarisay Badalka Erik Ten Hag.

Manchester United ayaa wada qorshe ay ku bedeli karto tababaraha cadaadisku saaran yahay ee Erik ten Hag, iyadoo Thomas Tuchel lagu soo waramayo inuu yahay macalinka bedeli kara.

Sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay Mirror, United ayaa dib ula xidhiidhi doonta Tuchel hadii ay go’aansadaan inay ceyriyaan Ten Hag, kaasoo wajahaya cadaadis xoogan kadib markii ay Man United si xun ku bilaabatay xilli ciyareedka.

Kooxdu waxay hore ula hadashay tababarihii hore ee Chelsea iyo Bayern Munich xagaagii intii lagu jiray dib u eegistooda dhamaadka xilli ciyaareedka, laakiin ugu dambayntii waxay ku adkaysatay Ten Hag.

Si kastaba ha ahaatee, iyadoo Tuchel uusan weli shaqo cusub helin ka dib markii uu ka tagay Bayern dhamaadkii xilli ciyaareedkii hore, United ayaa laga yaabaa inay u dhaqaaqdo tababaraha qibrada leh.

Horumarkan ayaa yimid in kasta oo maamulaha guud Omar Berrada uu soo bandhigay taageerada uu u hayo Ten Hag ka hor kulanka axada ee Liverpool, isagoo sheegay inuu “gabi ahaanba” aaminsan yahay in tababaraha reer Netherlands kooxda ku guulaysan karo United.

Waa la arki doonaa in Ten Hag uu wax ka bedeli karo shaqadiisa iyo in kale, laakiin waxaa cad in United ay isku diyaarineyso dhammaan dhacdooyinka, iyadoo Tuchel yahay tababaraha ugu cad-cad in uu badalo Ten Hag.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga