Man United Oo Guul Wakhti Dambe Ah Ka Gaadhay PSG, Rashford Oo PSG Xasuusiyay Guushii Sanadkii Hore & Chelsea Oo Garoonkeeda Kaga Adkaan Wayday Sevilla.

Kooxda Man United ayaa soo bandhigtay qaab ciyaareedkeedii ugu fiicnaa xilli ciyaareedkan iyaga oo qaybtii hore khaatiyaan ka dhigay kooxda Boorsada weyn ee PSG.

Kulanka ayaa ka tirsanaa kulankii ugu horeeyay ee champions League labada kooxood ee xilli ciyaareedkan iyada oo ay kox walba u soo gashay guul ay kala baxdo kulanka.

Man United oo xasuusata guushii taariikhiga ahayd ee champions League ay garoonkan kaga gaadheen PSG ayaa kulanka u soo gashay si dar-dar leh iyaga oo u muuqdayba in ay ku ciyaarayeen garoonkooda Old Trafford.

Kooxda Man United ayaa qaadaysay weeraro rogaal celis ah iyaga oo PSG u daayay hasashada kubada iyo maamulista kulanka.

Dadaalkeedii iyo orodkeedii ayaa u midho dhaliyay Man United iyaga oo hogaanka u qabtay ciyaarta PSG-na kaga naxsaday gool.

Daqiiqadii 24-aad ayay Man United dhalisay goolka 1-aad kadib markii rikoodhe loo dhigay khalad lagu galay xiddiga Anthony Martial.

Ugu horayntii Goolhayaha PSG ee Keylor Navas ayaa raacay rikoodhada laakiin waa lagu celiyay maadama uu Goolhayuhu soo dhaafay liidka cad.

PSG ayaa sii waday raadinta goolka bar-baraha laakiin Man United ayaa kala hor yimid iska caabin fiican oo dhanka daafaca ah iyaga oo waliba halis galiyay goolka PSG iyaga oo qaadayay weeraro rogaal celis ah.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybtii hore ee ciyaarta oo ay Man United soo bandhigtay qaab ciyaareedkeedii ugu fiicnaa ee xilli ciyaareedkan.

Qaybtii dambe ee ciyaarta ayay PSG ku soo gashay sidii qaybtii hore iyaga oo maamulayay ciyaarta laakiin ku dhibaatoonayay in ay dhaafaan daafaca iyo Goolhayaha Man United.

Laakiin PSG ayaan uba baahan in ay gool ka dhaliyaan Man United qaybtii dambe maadama ay isla iyada isku adeegsadeen in ay goolka u dhaliyaan.

Daqiiqadii 55-aad ayay PSG heshay goolka bar-baraha kadib markii uu xiddiga Anthony Martial si khaldan shabaqa kooxdiisa u dhex dhigay kubada.

Wixii intas ka dambeeyay Ciyaarta ayaa noqotay mid furan iyada oo labada kooxoodba sameeyeen fursado halis ah oo ay goolal ka dhalin kareen.

Waxa xusid mudan in uu Goolhaye David De Gea xilli ciyaareedkan ahaa xiddiga kulanka marka loo eego badbaadino halis ah oo uu sameeyay.

Wax walba oo ay PSG maamusho ciyaarta waliba samayso fursadaha ugu badan faa’iido uma lahan hadii linta looga dambeeyay.

Kooxda Man United ayaa daqiiqadii 86-aad dhalisay goolka 2-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Marcus Rashford kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/1.

Dhanka kale kooxda Chelsea oo ku ciyaaraysa garoonkeeda Stamford Bridge ayaa bar-baro lagu qabtay iyaga oo bar-baro la galay kooxda Sevilla.

Labada kooxood ayaa soo bandhigay qaab ciyaareed fiican laakiin aan wax gool ah ka dhalin kasta oo ay sameeyeen fursado wax ku ool ah oo goolal laga dhalin karo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*