Man United Oo Guul Soo Laabasho Leh Ka Gaadhay Everton, Bruno Fernandes Oo Laba Gool Dhaliyay & Cavani Oo Furtay Akoonkiisa Goolasha Man United.

Kooxda Man United ayaa guul soo laabasho leh ka gaadhay kooxda Everton kulan xiiso lahaa oo ka dhacay garoonka Goodison Park kana tirsanaa todobaadkii 8-aad ee horyaalka premier League.

Kulanka ayaa ahaa mid xiiso leh oo ay labada kooxoodba soo bandhigeen qaab ciyaareed qurux badan oo ay ku doonayeen in ay guul kaga gaadhaan kulanka.

Kooxda Everton ayaa dhigeeda Man United kaga naxsatay gool wakhti hore ah kadib markii uu xiddiga Bernard hogaanka u dhiibay kooxda Everton ciyaartana ka dhigay 1/0.

Kooxda Man United ayaan joojin dadaalkii ay ku doonayeen in ay goolal ku dhaliyaan iyaga oo raadinayay goolka bar-baraha ee ciyaarta.

Daqiiqadii 25-aad ayay Man United dhalisay goolka bar-baraha iyaga oo uu si qurux badan madax ugu dhaliyay xiddiga Bruno Fernandes kaas oo ciyaarta ka dhigay bar-baro 1/1.

Red Devils ayaan halkaas ku joogsan waxana ay sii wadeen qaab ciyaareedka fiican ee ay ku jiraan iyaga oo raadinayay goolal ay hogaanka ugu qbtaan ciyaarta.

Daqiiqadii 32-aad ayay Man United dhalisay goolka 2-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Bruno Fernandes kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/1 ay Kooxdiisa Man United ku hogaaminaysay.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta oo ay Man United soo bandhigtay qaab ciyaareedkii ugu fiicnaa ee xilli ciyaareedkan premier League waliba ka soo laabatay goolal looga hor maray.

Qaybtii dambe ee ciyaarta ayay Everton ku bilaabatay si dar-dar leh iyaga oo raadinayay goolka bar-baraha ay ciyaarta ugu soo laabanayaan.

Man United aya qaybtii dambe u muuqatay kuwo uu hoos u dhac ku yimid qaab ciyaareedkooda iyaga oo difaacanayay sidoo kale qaadayay weeraro rogaal celis ah.

Kooxda Everton ayaa cadaadis waali ah saartay iyaga oo raadinayay goolka bar-baraha ee ciyaarta xilli aya Man United si cajiib ah u difaacatay goolka ay ku hogaaminayso ciyaarta.

Xilli ay Everton ku mashquulsanayd dhalinta goolka bar-baraha ayay kooxda Man United ka faa’iidaystay in ay ciyaarta disho.

Daqiiqadii 90+4-aad ayay Man United dhalisay goolka 3-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Edinson Cavani kaas oo ciyaarta ka dhigay 3.1.

Ugu dambayn Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Man United gaadhay guul soo laabasho leh oo ka caawisay in ay cadaadiska ka qaado tababare Ole Gunnar Solskjaer.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*