Man United Oo Guul Muhiim Ah Old Trafford Kaga Gaartay Liverpool Kana Reebtay Tartanka FA Cup-ka .

Bruno Fernandes ayaa guul qaali ah ku hogaamiyay United ka dib ciyaar uu badal ku soo galay waxa ayna Liverpol uag talaabsadeen 3/2 oo ay isaga xaadiriyeen wareegga 16-aad ee FA Cup-ka

Sheekada qeybta hore : 10-ka daqiiqo ee ugu horeeyay United ayaa halis badneyd kuna badneyd kubadda xilli daqiiqadii 13-aad kubad cajiib aheyd uu ka bad baadiyay goolhayaha Liverpool , waxa uuna kulankaan ka tirsanaa warega 32-aad ee FA Cup-ka

Ka dib Liverpool dhaq dhaqaaq ayay bilaababeen waxa ayna ciyaarta aheyd mid u furan labada dhinac balse fursad ahaan United ayaa badneyd oo halis aheyd .

Liveprool oo marka kubadda ay cagtooda soo gasho dadajjinayay waxa ay ku keeneen gool ka dib markii daafacayada United qaab qaldan u istaageen waxaana saxiixay Salah waxa ayna aheyd daqiiqadii 18-aad xilli goolkaas uu ka shaqeeyay Firminho .

Guud ahaan qaab ciyaareedka Liverpool waxa uu ahaa mid taxadar ah waxa ayna u janjeereen dhanka daafac xilli United kubad rogaal celis ah ay ku dhaliyeen goolka bar bar dhaca waxaana sidaas sameeyay Greenwood daqiiqadii 26-aad ka dib kubad uu shaqeeyay Marcus Rashford.

United waxa ay soo bandhigeen kubad deg degsiimo leh waliba ku saleysan kalsooni waxaana lagu nastay min halkaas gool balse ciyaarta waa laga filan karay goolal dheeraad ah qeybta labaad .

Qeybta labaad , durba United waxa ay dhaliyeen gool labaad waxaana saxiixa Rashford waxaana ka shaqeeyay Greenwood daqiiqadii 48-aad.

Ka dib goolkaas , Liverpool kubadda iyaga ayaa ku badnaa waana laga fuilan karay gool xilli ay sigayeen , waxa ayna ugu dambeyn keeneen goolka labaad ee bar bard haca ka dib kubad ay qaldeen United oo ay sii dheer tahay qalad daafac waxaana saxiixay Salah xilli mar kale uu ka shaqeeyay Roberto Firmino daqiiqadii 58-aad.

Ka dib goolkaas , Liverpool waxa ay daqiiqadii 62-aad soo giliyeen Sadio Mane oo loo saaray Georginio Wijnaldum xilli United ay dagaal ugu jireen in ay ka xaroodaan dhanka bidix waxa ayna daqiiqadii 66-aad soo giliyeen Fred iyo Fernandes oo loo saaray Greenwood iyo Van de Beek .

Waxaa baxsad ahaa Salah oo gool sedexaad raadinayay , waxaana halista iyo kubadda ku badnaa Liveropool ,xilli United u muuqdeen kuwo ay ku adag tahay in kubadda horay u jiidaan ka dib goolkaas.

United kullamaa kubadda helaan garbaha ayay ka xaroonayeen balse halis gilin muuqata ma jirrin xilli goolhayaha Liveprool dhanka kale uu foojignaa.

ka dib qalad lagu galaay Cavani , waxa ay United heleen Free Kick waxaana si cajiiba ah gool ugu turjumay Fernandes daqiiqadii 78-aad

Liverpool , niyad jab kama aysan qaadin waxa ayna isku dayayeen in goolka bar bar dhaca keenaan balse United daafac ahaan waa foojignaayeen xilli tababare Ole daqiiqadii 86-aad uu soo giliyay Martial oo loo saaray Rashford.

Sii Akhriso: Sidee Ayaad Naftaada Uga Hor Istaagi Kartaa In Ay Jeclaato Qof Khaldan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*